U bood dhigaalka

Boosaaso: Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Qamri Badan Iyo Dadkii Waday

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka Booliiska gobolka Bari ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso, waxaana howlgalkaasi lagu soo qabtay qamri badan oo lagu waday gaari iyo sidoo kale dadkii waday.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gashaanle Sare Xussen Cali Maamuud ayaa sheegay in ay qabteen 60 dhalo oo qamri ah, Saddex qof oo wadatay iyo sidoo kale gaarigii lagu waday.

Wuxuu sheegay taliyaha in ay qabteen ciidanka ammaanka ee ku sugan Koontaroolka magaalada Boosaaso, islamarkaana haatan baaritaanno dheeraad ah ku wadaan.

Gaashaanlaha ayaa sheegay in ay la wareegi doonaan gaari walba oo lagu helo maandooriye, isaga oo dhanka kale sheegay in gaarigii qamri keena uu sidoo kalena keeni karo Al-shabaab.

Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ayaa maalmahan dambe waxa ay wadeen howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka, sidoo kalena lagula dagaallamayo waxyaabaha maanka dooriye.

Goobjoog News