Boosaaso:- Dadkii Ka Yimid Yemen Oo Gobalada Dalka Loo Kala Dirayo (Sawirro)

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa dhawaan soo gaaray muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada ka socda Yemen.
Guddiga Qaxootiga Yemen ee fadhigoodu yahay magaalada Boosaaso ayaa bilaabay in dadkaasi deegaanadooda loo kala diro, waxana magaaladaasi laga soo amba bixiyay qoysas badan oo dhanka Koonfurta iyo Bartamaha soo aaday.
Dadkaan waxa ay aad ugu faraxsanyihiin in si nabad ah ay dalkooda ku yimaadaan, sidoo kalena laga soo amba bixiyo halkii lagu soo dhaweeyay ee Boosaaso ahayd.
Wariyayaasheena Aweys Aar iyo Maxamed Salaad oo dhexda u xirtay soo tabinta xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen, lana socda Markabka Nawaal 3 ayaa magaalada Boosaaso kula kulmay shacabka dib loo soo celinayo, waxaana dadkaasi ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in deegaanadooda look ala diro.
Markabka Nawaal Seddax ayaa safarkii Labaad ee uu ku tagay Yemen waxa uu kusoo badbaadiyay in ka badan 3-kun oo Qaxooti ah, kuwaasi oo xaalad adag ku haysay Yemen.
Waxaa socda dadaal xoogan oo lagu doonayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Yemen lagu soo badbaadiyo, waxaana markabka Nawaal Seddax uu ku laaban doonaa Yemen si dad kale uu usoo qaado.
Hoos Ka Daawo Sawirada
Goobjoog News