Boosaaso:- Dadkii Yemen Laga Keenay Oo Loo Kala Dirayo Gobalada Kale Ee Dalka

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa habeen kahor soo gaaray Markabka Nawaal Seddax oo in ka badan 2-kun oo qof ka keenay magaalada Mukalla ee dalka Yemen.

Dadkaan oo la dejiyay xero loogu tala galay in ay ku nastaan ayaa wararku waxay sheegayaan in la bilaabay sidii loogu kala diri lahaa gobalada kale ee dalka qaarkood.

Shalay oo Jimco ahayd waxaa Boosaaso laga amba bixiyay 500 oo ruux, kuwaasi oo gaadiid halkaasi laga soo saaray, si loo geeyo deegaanada ay ehladooda ku sugan yihiin.

Waxaa howshaan lagu amba bixinayo dadkaan si wadajir ah u wada, guddiga gurmadka iyo badbaadinta Qaxootiga Soomaaliyeed iyo guddiga Gurmadka Qaxootiga Yemen ee Boosaaso.

Maanta iyo berri waxaa sidoo kale lasoo amba bixin doonaa dad kale oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo deegaanadooda la geyn doono.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW