U bood dhigaalka

Boosaaso: Doontii Soo Caarisay Oo Alaabta Laga Dejinayo Iyo Canshuurtii Oo Laga Dhaafay

Sheeko:Dalka

Waxaa saaka magaalada Boosaaso, xarunta ganacsiga Puntland  ka bilaabaneysa dejinta alaabta dooni ku soo caarisay, taasi oo muddo 9 maalin lagu howlanaa bad-baadinteeda.
Doontan soo caarisay ayaa la bad-baadiyay kadib markii dekad macmal ah ka dhiseen qeyb ka mid ah dekadda Boosaaso,  arrintaas oo markii dambe keentay in khamiistii lagu guuleystay la gaaro xilligii alaabta laga dajin lahaa.
Wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa dhankeeda sheegtay in doontaasi aan laga qaadi-doonin wax canshuur ah.

Doonidan ayaa hantida  saarneyd  lagu qiyaasay illaa 7 Milyan oo Dollar, waxaa ay jirtay fogaan 50 Mitr ah, waxaan ugu dambeyntii lagu guuleystay in la bad-baadiyo.
Dadweynaha Boosaaso, ganacsato, ciidan, culimo, haween iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaan u kala harin bad-baadinta doonta, taasi oo la ammaanay.

Goobjoog News