U bood dhigaalka

Boosaaso: Ganacsiga Dhuxusha Oo La Joojinayo

Sheeko:Dalka

Haweenka ka ganacsada dhuxusha ee magaalada Boosaaso ayaa cabasho xooggan xilligani ka muujinaya go’aan ka soo baxay maamulka gobolka Bari.

Maamulka gobolka Bari ayaa dhowaan soo saaray go’aan ah in suuqa magaalada Boosaaso aan lagu dhex iibin Karin dhuxusha arrintaasoo haweenku ay cabasho ka muujinayaan.

Waxay sheegeen haweenku in amarka maamulka gobolka ka soo baxay uu yahay mid aan u cuntamin islamarkaana suuqa gudihiisa ay ka soo saartaan nolal maalmeedkooda.

Hooyooyinkani oo saaka qaarkood gudaha suuqa kula hadlay Goobjoog News waxay sheegeen in labo arrin ay ka heysto maamulka Puntand.

Waxay sheegeen in suuqa inay ku sii ganacsadaan loo diidan yahay hase yeeshee dowladda hoose ee Boosaaso ay iyadu mar walba doonayso inay ka qaado canshuur.

“Waxa weeye innagu dhuxusha waan ku noolnahay dhallaan baa ka korsannaa, haddii dowladdu wax na siineyso waan iska deyneynaa, hadalkii maamulka ka soo yeeray ma ahan wax wanaagsan sababtoo ah shaqo joojinta, hadalka maamulka ka soo yeeray waxaan u arkaa inay dantiisu fiirsaday balse shacabka dantiisa uusan fiirin, saakay oo u dambeysay waxaa na loo kaxeeyay xarunta dowladda hoose oo lacagtii canshuurta ahaa ayaa nala weydiinayay” ayay yiraahdeen qaar kamid ah haweenkaasi.

Maamulka gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in aan loo sii dulqaadan doonin in suuqa Boosaaso lagu sii iibiyo dhuxusha, inkastoo meelaha qaar dalka hadda la isticmaalo gaaska ayaa haddana ah mid aynaan awoodin qoysaska danta yar.

Arrintani ayaa loo sababeynayaa abaaraha wadanka ka jira iyo degaannada gobolka Bari oo noqday kuwa la xaalufiyay sidii dhirta inta looga jarayay kadibna loo gubayay si dhuxul ahaan loogu isticmaalo.

W/D: Maxamed C/laahi Maxamed

Goobjoog News