U bood dhigaalka

Boosaaso: Taliyihii Ciidanka Booliska gobolka Bari oo Qarax Lagu dilay

Sheeko:War

Taliyihii Ciidanka Booliska qeybta Bari ee maamulka Puntland Cabdirixmaan Cali Xuseen ayaa ku geeriyoodey qarax lagula eegtay gudaha magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Nin ka tirsan Booliska Boosaaso ayaa xaqiijiyey geerida Cabdiraxmaan Cali iyo afar qof oo kale iyo dhaawaca saddex ka mid ah ilaaladiisi.

Qaraxa lagu dilay Taliyaha oo ka dhacay agagaarka Taliska qeybta Booliska ee Boosaaso ayaa ahaa mid qof xirnaa walxa qarxa uu fuliyey.

Taliye Cabdirixmaan Muslim ayaa dhaawac ahaan looga qaaday albaabka Taliska qeybta isaga oo qaba dhaawac halis ah,waxaana uu dhaawcii soo gaaray ugu geeriyooday Isbitaalka weyn ee Boosaaso.

Ciidamada ammaanka ayaa wado baaritaano, mana jirto ilaa hadda cid sheegatay iney ka danbeysay qaraxan.

Marxuumka ayaa xilka Taliska booliska gobolka Bari qabtay 3-dii April 2014.