U bood dhigaalka

Boosaaso: Warar Hor Leh Oo Laga Helayo Dagaalka PSF iyo Puntland

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka ka bilawday xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso oo u dhaxeeya ciidamada PSF iyo ciidama ka amar qaata madaxweynaha Puntland.

Dagaalka oo ka socda aagga xerada PSF ee Boosaaso ayaa sii xoogeystay saacadihi la soo dhaafay kadib markii la sheegay in ciidamada ka amar qaata madaxweynaha Puntland ay seddax jiho ka soo weerareen xaafadaha ku xareereysan xerada PSF.

Waxaa dhamaan hakad ku jira isku socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada si gaar ah xaafadaha dhawaqa rasaasta laga maqlayo.

Dad badan oo dan yar ah ayaa la sheegay in ay ku go’doonsan yihiin aagga dagaalka uu ka socdo ee magaalada Boosaaso.

Illa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, xilli maamulka Puntland iyo kan PSF aysan weli ka hadlin xiisadda taagan.

Goobjoog News