U bood dhigaalka

Boosaaso: Waxgaradka Oo Digniin Diray

Sheeko:Amniga

Waxgaradka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa ka digay in mar kale dagaal uu ka dhaco magaaladaasi, iyaga oo baaq u diray madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani.

Waxa ay sheegeen in wax laga xumaado ay tahay in ciidamo badan lagu soo daabulo magaalada Boosaaso, waxaana ay sheegeen in dowlad goboleedka Puntland ay ugu baaqayaan joojinta ciidamadan aadka u badan.;

Waxgaradkan oo la kulmay saraakiil ciidan ayaa dhanka kale sheegay iney ka xumaadeen dagaalkii dhexmaray ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaad hubeysan, kaasi oo ka dhacay magaalada Boosaaso.

Sababta dagaalkan ayeey sheegeen iney tahay arrimo ku aaddan is faham la’aan iyo in la suurad xumeynayo dowladnimada waa sida ay hadalka u dhigeen.

Ugu dambeyn, waxgaradkan ayaa sheegay in xukuumadda Dani lagula xisaabtami doono dhib walbo oo ka dhaca Boosaaso.

Goobjoog News