U bood dhigaalka

Booyado Biyo Dhaamis Ah oo Loo Geeyey Dadkii Ku Xanuunsaday Biyaha Ceelka ee Yaaqshiid

Sheeko:Dalka

Hormuud FoundationHey’adda Hormuud ayaa maanta deeq dawo ah iyo gaadiid biyo dhaamis ah u geysey dad badan oo todobaadkan ay soo riteen xanuuno ka dhashay sida la sheegey biyo ay ka cabeen ceel ku yaala degmada Yaaqshiid.

Sida uu Goobjoog u sheegey agaasimaha Hey’adda Hormuud Cabdullaahi Cusmaan, isbitaalka Carafaat oo dadka xanuunsan intooda badan la jiifiyey waxa ay gaarsiiyeen dawooyin ka kooban illaa 600 faleebo oo ah kuwa fuuq baxa.

Waxa ay sidoo kale hey’adda dadka xaafadda ugu deeqdey 3 booyadood oo biyaha nadiifka ah u dhaamin doona illaa inta xaaladda biyo xumaanta laga baxayo.

Dad ka mid ah kuwii ehelkooda ama ilmahooda uu saameeyey xanuunka ayaa sheegey in ay wajahayaan dhibaato badan oo ay ka mid tahay dawo la’aan iyo biyo la’aan.

Isbitaalka Carafaat oo aan booqanay waxaa jiifta illaa 200 bukaan, maalin kastana waxaa la geeyaa dad xanuunka uu soo ritey sida uu noo xaqiijiyey mas’uul ka tirsan isbitaalka. Waxa uu mas’uulkani noo sheegey in kaalmada kaliya ee ay heleen ay kasoo gaartey ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, hey’adda Sam Sam oo isbitaalka gacanta ku heysa iyo waliba hey’adda Hormuud Foundation.

Wariyeyaasheena waxa ay soo arkeen meel guri ah oo uu ku yaalo farmashiyo yar oo isu badalay isbitaal ay jiifaan bukaan badan kuwaasi oo ay ku socdaan faleebooyin, lana durayo irbado. Tani waxaa ugu wacan isbitaalada oo dad badan la geeyey awoodoodana yartahay iyo gaadiidkii lagu geyn lahaa oo aysan dadka heysanin.

Dadka qaar oo aan la hadalney ayaa noo sheegey in dawooyinkii gargaarka loogu keeney qaarkood iyaga oo iib ay suuqa ka iibsanayaan, balse taasi waa inoo suurogali weysey in aan xaqiijino.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horey u sheegey in ay xireen ceelkii la sheegey in xanuunka laga qaaday, islamarkaasina ay baarayaan waxa uu xanuunka ka dhashay.

Illaa 10 qof ayaa inta la ogyahay ku dhimatay xanuunkani oo aanan wali loo magac bixinin, lana ogaanin sababta rasmiga ah ee ka dambeeysa.

Xaafadda Juungal ayay arrintani saameyn xun ku yeelatay, waxaana la arkayaa guryo badan oo faaruq ah iyo qoysas u guurey xaafado kale si ay u helaan biyo nadiif ah.

Biyaha waxa ay gacanta ugu jiraan dad gaar ah, dowladdana ma jirto wax adeeg biyo ah oo ay fuliso, waxaa intaasi sii dheer in aysan jirin wax kormeer iyo dabogal ah oo ay dowladda ku sameyso tayada biyaha ay dadka cabayaan.

Goobjoog News