Iyadoo maalintii Labaad loo dabaaldegayo munaasabadda ciidul Fidriga ayaa hadane shacabkii ugu badnaa waxay booqasho ku imaanayaa xarunta dhexe Goobjoog Media Group ee magaalada Muqdisho.
Shacabkan ayaa ka kala imaanaya degmooyinka magaalada Muqdisho iyo degmooyin ay ka mid yihiin Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan degmooyinka Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose.
Dadkan oo isugu jira carruur iyo ciroole, rag iyo dumar ayaa dhammaantood waxaa ka muuqata farxadda Maalinta Koowaad ee ciidul Fidriga, waxaana iyaga oo aad u faraxsan lagu soo dhaweynayaa xarunta Goobjoog Media Group.
Shaqaalaha Goobjoog ayaa heegan ugu jira sidii ay usoo dhaweyn lahaayeen shacabkaan Soomaaliyeed, maadaama ay tahay maalmo farxadeed, waxaana shacabka ay yihiin kuwo doonaya inay ehladooda ka salaamaah Idaacadaha Goobjoog Fm, Gool Fm, Maandeeq Fm oo dhammaan bah wadaag ah.
Sidoo kale Goobjoog waxay shacabka imaanaya soo dhaweyn ka sokow siineysaa hadiyado qaali ah si bulshadu farxad ugu ciiddo.
Dadka shalay iyo maanta soo booqday Goobjoog Media Group ayaa tiro ahaan aad badnaa waxaana u badan caruur Soomaaliyeed oo dabaaldegaya.
Hoos ka daawo sawirada booqashada shacabka ee Goobjoog Media Group
Goobjoog News