U bood dhigaalka

Boqor Salmaan: Riyadh Waxaa Ay Saldhig U Noqon Doontaa Xarun Caalami Ah Oo Lagula Dagaalo Argigixisada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Dolland Trump  ayaa Riyadh kula kulmaya madaxda Carabta iyo Islaamka, waxaa ugu horreyn shirka furay boqor Salmaan.

Boqorka Sacuudiga ayaa u mahadceliyay Trump isaga sheegay in diinta Islaamka u taagan tahay nabad iyo horumar-ka, waxaa uu soo jeediyay in ay la dagaalamayaan dadka sharta wada.

Boqorka waxaa uu soo qaatay in taariikhda Islaamka lagu yaqaano wada noolaashaha diinta, laakin maanta la arkaayo dhib ay wadaan koox gaar kuwaas oo aan ka tarjumin Islaamka.

Boqorka waxaa uu ka hadlay in Iran ay argigixisada martigeliso tan iyo markii kacdoonka ka dhacay 1979-kii, isla markaana aaney aqoon daris wanaag, Sacuudiga waxaa uu sheegay in ay qasayaan gobolka taasi oo keentay in uu dul-qaadka ka dhamaado dalka Sacuudiga.

Salmaan waxaa uu sheegay in Riyadh laga sameyn doono xarun caalami ah oo lagula dagaal argigixisada, taasi oo cid walba ku biiri karto, isaga oo ballan-qaaday in ay la dagaalayaan argigixisada diin walbo oo ay leedahay.

Goobjoog News