U bood dhigaalka

Boqorka Belgium Oo Dal Africa Ka Tirsan Booqasho Ku Imaanaya

Sheeko:Amniga

Boqorka Belgium-ka, Philippe ayaa maanta oo Talaado ah booqasho taariikhi ah ku tagay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, gobolkaas oo ay si naxariis darro ah dhibaatooyin uga dhaceen intii Belgiumka uu gumaysanayay dalkaas.

Booqashadan oo ah tii ugu horeysay ee uu Boqorku ku tago DRC tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2013-kii, ayaa waxaa lagu wadaa in ay kawada hadlaan boqorka iyo madaxweynaha dalkaas, sidii labada dhinac ay isku kaashan lahaayeen sidoo kalena dowladda Belgium ay raalli gelin uga bixin lahayd wixii dhacay qarnigii tagay.

Booqashada ayaa markii hore loo qorsheeyay inay dhacdo Juun 2020 si loogu dabaaldego sannad-guuradii 60-aad ee ka soo wareegtay madaxbannaanida DRC laakiin dib ayaa loo dhiigay, iyadoo sanadkaan laga dhigay 2022 .

Philippe waxaa ku wehlin doona xaaskiisa Boqorada Mathilde iyo xubno ka tirsan dowladda Belgian oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Alexander De Croo.

Taariikhyahanadu waxay sheegeen in malaayiin qof oo ku nool Kongo Belgian lagu dilay, la jarjaray ama ay u dhinteen cuduro iyagoo ka shaqaynayay beero caag ah oo uu lahaa Leopold II, oo ahaa boqorkii Belgium 1865 ilaa 1909 iyo walaalkii Philippe awoowgii awoowe.

Goobjoog News