U bood dhigaalka

Boqorka Sucuudiga oo waraaq ka guddoomay madaxwaynaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka
Boqor Cabdalla
Boqor Cabdalla

Boqorka Sacuudiga Amiir Cabdalla Bin Cabdicaziiz ayaa dhambaal qoraal ah ka guddoomay madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Boqorka Sacuudi Careebiya Cabdalla Bin Cabdulcasiis ayaa magaalada Jidda kaga guddoomay waraaq ka timid madaxwanaha Soomaaliya.

Amiir Cabdalla Bin Cabdulcasiis ayaa maalintii shalay magaalada Jidda ee boqortooyada Sacuudiga ku qaabilay wafdi ka socday xukuumadda Federaalka Soomaaliya,kaas oo uu hoggaaminayo wasiirka garsoorka Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Sucuudiga ayaa ka mid ah dalalka caawimaada u fidiya Soomaaliya.