U bood dhigaalka

Boqorka Sucuudiga oo Ballanqaaday Inuu Garab Istaagi Doono DFS

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay Boqorka Suucidiga boqor Salmaan Binu Cabdicasiis.

Intii kulanku uu socday ayaa laga wadahadlay xiriirka labada waddan iyo waxyaabihii ugu dambeeyay ee ka soo cusboonaaday gobolka geeska Afrika.

Sida aan ka soo xiganeyno wakaalladda wararka ee SONNA, boqor Salmaan ayaa ballanqaadya inuu garab istaagi doono dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban ku soo qoray bartiisa Twitterka ayaa yiri ayaa ka hadlay uljeedada safarkiisa Suucidiga, “Waxaan si nabad ah ku gaarnay magaalada Riyadh. Amniga, mashaariic horumarineed, xayiraadda xoolaha & abaaraha ayaan ka wada hadleynaa IA”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo Dalka Sucuudiga gaaray maalinimadii Shalay ayaa la filayaa inuu la kulmo madax kala duwan oo dalkaas ka tirsan iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sucuudiga.

sucuudi2 sucuudi3 sucuudi4 sucuudi5 sucuudi6

Goobjoog News