U bood dhigaalka

Boqortooyada Sacuudiga Oo Lix Mashruuc Ka Fulin Doonta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya ayaa madaxweynaha Soomaaliya u ballan-qaaday illaa lix arrin oo muhiim u ah dowladnimada.

Sacuudiga waxaa ballan-qaaday:

Kabidda miisaaniyadda Soomaaliya.

Dhismaha xarumaha ay Ku shaqeeyaan dowladda iyo wasaaraheeda.

Dhismaha garoon cusub

Dhismaha waddooyinka isku xira gobollada dalka.

Furitaanka safaaraddii Sacuudiga ee Muqdishu.

Taageridda Sacuudiga ee arrimaha abaaraha dalka ka jira.

Ballan-qaadyada Sacuudiga waxaa ay imaanayaan kadib markii booqasho labor maalmood ah uu halkaasi Ku tahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo shaqada hortaalla waa in ra’isul wasaaraha cusub ka gado xildhibaannada si uu u helo kalsoonidooda, iska markaana uu soo dhiso xukuumad ka tarjunta aragtida iyo ballan-qaadyada uu Farmaajo shacabka u sameeyay xilligii doorashada.