U bood dhigaalka

Boqortooyada Swaziland oo Si Rasmi ah Magacii Looga Bedelay

Sheeko:Dalka

Boqorka Swaziland King Mswati lll ayaa ku dhawaaqay in magacii dalkiisa loo bedelay eSwatini, oo gumaysiga ka hor dalkaa loogu yeeri jiray.

Waxa uu go’aankan kaga dhawaaqay xafladdii sanadguurada 50-aad ee dabaaldagga xorriyadda dalkaas.

Sida uu qoray Sky news  magaca cusub ee eSwatini ayaa ka dhigan dhulka Swaziland ee Luqadda maxalliga ah ee dalkaas.

Isagoo dad badan oo iskugu soo baxay stadium-ka magaalada Manzini kula hadlayay, ayuu sheegay in eSwatini uu ahaa magaca dalka isticmaarka Ingiriiska ka hor, isagoo tilmaamay in go’aankaasi looga golleeyahay in dadka la baro si aaney taariikhiidoodii hore u illoobin.

Boqor Mswati lll oo xiranaa dharka ciidanka ayaa yiri: “Waxaan doonayaa inaan ku dhawaaqo in Swaziland ay magaceedii asalka ahaa dib ugu laabatay.”

Waxaa la tilmaamayaa in magaca Swaziland uu muwaadiniinta qaar ka caraysiinayay maadaama ay ka dhadhan sanayaan luqad Ajinabi ah, magaca labo Luqadood ka kooban waa Swazi-ga iyo Ingiriiska.

Boqor Mswati lll waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Wixii hadda ka dambeeya waddanka waxaa loo aqoonsan doonaa magaca eSwatini.”

Wadamo badan oo African ah ayaa magacyadii isticmaarka iska bedelay, waxaa ka mid ah; Rhodesia oo noqotay Zimbabwe, Nyasaland oo la baxda Malawi iyo Bechuanaland oo la baxday magaca Botswana.

eSwatini (Swaziland), waa boqortooyo yar oo Afrikan ah Koonfur-Afrika ayaa ka xigta Waqooyiga, Koonfurta iyo Galbeedka, dhanka bari waxaa ka xiga Mozambique, dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa 737,000 oo qof, horey Ingiriiska ayaa u soo gumaystay.

Goobjoog News