U bood dhigaalka

Brazil: Labo Madaxweyne Oo Lagu Eedeeyay Musuq

Sheeko:Dalka

Dalka Brazil, waxaa maalintii Talaadadii la eedeeyay labada madaxweyne ee dalkaasi Dilma Rousseff iy Luiz Inacio Lula da Silva, eedeynta ayaa ah in ay lacago ka heleen shirkadda saliidda ee Petrobras.

Labadan madaxweyne ayaa xilka isaga dambeeyay, waxaa kale oo ay arrintan ku soo aadaysaa  iyada oo  Lula isku diyaarinayo in uu mar kale tartamo.

 

“Dambiyadan waxaa ay dhaceeb bartamihii 2002 illaa May 12, 2016” , sidaasi waxaa sheegay xeer ilaaliyaha qaranka oo talaadadii hadlayey.

Dalka Brazil, waxaa uu ka mid yahay dalalka ay madaxdiisa iyo xisbiyadiisa ugu musuqa badan yihiin caalamka, waxaa intaa dheer iyada oo arrimahaasi ay sumcad dilid u keeneen siyaasadda arrimaha dibadda.

Goobjoog News