U bood dhigaalka

UK “Mooshinka Laga Geeyay Madaxweynaha Soomaaliya Waxa Uu Qatar Ku Yahay Doorasho Dhacda 2016”

Sheeko:Dalka

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha soomaaliya uu Qatar ku yahay doorashada la filayo inay dalkan ka dhacdo 2016-ka.

Safiirka Dowladda Ingariiska ee Soomaaliya Harriet Mathews oo shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inay Dowladoodu caawinaad dhowr qeybood ah siiso Dowladda Soomaaliya taasi oo ay sheegtay inay muujineyso kaalinta ay Dowladda Britten uga jirto Dowladaha caawiya Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in lacago dhowr Milyan gaaraya ay ugu tabaruceen Soomaaliya, kuwaa oo la doonayo in wadanka wax looga qabto gaar ahaan meelaha aadka ugu baahan, iyadoo tilmaantay in Ingiriiska yahay wadan ay ka go’an tahay in Soomaaliya uu caawiyo.

“UK waa wadanka kaliya ee Ambasador uu ka joogo wadama Midowga Reer Yurub, waxaan ugu tala galnay deeqo fara badan oo ah dhanka Miisaaniyadda kuwaas oo aan ku taageerayno arrimaha la xiriira gargaarka Bini’aadannimada iyo sida ay inooga go’an tahay in aan Soomaaliya ka taageerno dhanka siyaasadda, waxaana UK ay dhawaan ku dhawaaqday inay doonayso Soomaaliya inay usoo daad gureyso ciidamo Brittish ah, kuwaa oo siin doona tababar la xiriira dhanka Lojistikada ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya, sanadka soo socda waxa dalka Soomaaliya u noqon doonaa mid aad u xasaasi ah, maxaa yeelay waxaan galaynaa doorasho aad u muhiim ah 2016-ka, waxaan ku faraxsannahay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in doorasho ay dhacdo 2016, waxaan u baahannahay in arrintaasi aan kala shaqeyno beesha caalamka, si loo helo doorasho loo dhan yahay”

Dhawaan dalka Britten waxa uu sheegay in Soomaaliya uu usoo dirayo ciidamo loogu tala galay inay caawiyaan midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliya, hadaba waxa ay ka hadashay ciidamadaasi waxa ay yihiin iyo shaqada ay qaban doonaan, iyada oo tilmaantay in ciidamadaan u dhaxeyn doonaan 40 ilaa 70.

“Ugu horeyntii waxaan rabaa inaan idiin cadeeyo deeqdeena waxa ay tahay, qorshaha aan dooneyno ee taburacaadeenu waxay tahay, ciidamada waxay u dhaxeeyaan 40 ilaa 70 ma ahan 700, waa ciidamo ka imaanaya Britten, waxay u imaanayaan sidii ay midowga Afrika uga caawin lahaayeen dadaallada uu wado iyo sidoo kale ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, ciidankaasi ma ahan mid aadi doona furunta hore ee dagaalka, kuwaa oo la dagaallamaya Al-shabaab, run ahaantii waa shaqo aad u muhiim ah oo aynu dooneyno inaan qabanno, waxay ila tahay inaan awood siinno ciidamada Midowga Afrika oo aan ku taageerno sidii Al-shabaab ula dagaallami lahaayeen si hufan, waxaan rabnaa inaan dhisno ciidamada dowladda Soomaaliya waqti dheer”

Mar ay soo hadal qaadday safiiradda mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay sheegtay in mooshinkaasi uu keeni karo inuu qatar ku noqdo doorasho dalka ka dhacda 2016-ka una keeni karto in doorashada dib u dhacdo.

“Uk Mowqifkeeda aad buu u cad yahay, marka ay timaado mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya ee qiyaanada qaran, run ahaantii baarlamaanka waxa uu xaq u leeyahay inuu madaxweynaha la xisaabtamo, iyadoo dowladdana ay ka jawaabayso dacwadaha lasoo jeedinayo hab wax dhisaya, si walba oo ay ahaataba arrinta aad bay u cadahay, doorashada waxay dhacaysaa 2016-ka, waxyaabaha ugu waaweyn ee ahmiyadda la siinayo waa taa, xaqiiqdii doorashada dhacaysa 2016-ka arrinta qatar ayeey ku tahay, gaar ahaan xilliga la qaban lahaa doorashada ayaa aad usoo dhawaaneysa sidaa darteed waxaa haboon in arrintani waqti la siiyo, dadkana ay dib u eegaan waxa ay dowladda qabatay ama aanay qaban si dadka go’aan uga gaaraan waxa ay doonayaan inay helaan qudhooda”

Harriet Mathews oo wax laga weydiiyay waxa ay ka ogtahay Laba wariye oo ku xiran magaalada Muqdisho una xiran dowladda Federaalka, ayaa waxay sheegtay in arrintaa ay aad uga walaacday oo dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay ilaaliso xuquuqda suxufiyiinta oo ay sheegtay in xilligaan wadanka aad ugu baahan yahay in doodo la sameeyo.

“Run ahaantii aad ayaan uga walaacay Labadaan wariye markii la xiray, kuwaa oo shaqadooda gudanayay iyo xiritaankii xarunta Universal Tv ee magaalada Muqdisho, sidaa darteed in la dhowro xurriyatul qowlka waa qodob aad asaasi u ah dhanka xuquuqda aadanaha, waxaan u baahannahay inaan helno marka aan ku sugannahay marxalado noocaan oo kale ah doodo badan, Todobaadkii lasoo dhaafay qaramada Midoobay hay’adda u qaabilsan xuquuqda aadanaha waxay hoosta ka xariiqeen oo isla garteen muhiimadda ay saxaafadda leedahay”

Harriet Mathews ayaa ugu dambeyn sheegtay in shaqo abuur ay u sameeyeen dad gaaraya 30 kun, ayna ku tala jiraan in dhawaan shaqo abuur u sameeyaan 9-kun oo kale, ayna diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan arrimaha la xiriira amniga oo dowladda Soomaaliya iyo Midwoga Afrika u baahan yihiin in dhinacyo badan laga taageero.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah wadamada ugu waaweyn ee iminka aadka u daneenaya xaaladda Soomaaliya, waxaana safiirka dalkaasi u fadhiya Soomaaliya Harriet Mathews ay sheegtay in ay ka go’an tahay in dalkaan 2016-ka ay ka dhacdo doorasho, iyadoo raacisay in Soomaaliya xilligaan uu horyaallo waqti aad u adag.

Goobjoog News