U bood dhigaalka

Bujumbura:Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo kulamo la leh madaxda Burundi

Sheeko:Dalka

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay maqribkii gaaray magaalada Bujumbura ayaa halkaas kulamo la leh madaxda dalkaasi.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa la filayaa in madaxda Burundi uu kala hadlo xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin laha iskaashiga labada dal.

Wefdiga ra’iisul wasaaruhu hogaaminayo waxaa ka mid wasiiru dowlaha gaashaandhiga, wasiiru dowlaha amniga qaranka iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya.

Booqashada ra’iisal wasaaraha  ayaa ka dambeysay kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaasi Burundi.

Burundi ayaa ka mid ah dowladaha ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah askarta nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.