Bulshada Garbahaarey oo soo dhoweeyay shir weyne lagu qabanayo Garbahaarey
Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa soo dhoweeyay shir weyne la doonayo in lagu qabto degmadaasi.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa Garbahaarey ku sii qul-qulayay wafdiyo kala duwan oo isugu jira siyaasiyiin, wax-garad, aqoonyahanno iyo dad kale oo daneynaya in ay ka qeyb galaan shirkaasi la sheegay in aayaha gobolka Gedo looga hadlayo.
Odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhallinyarada ayaa sheegaya in shirkani uu yahay mid ay sugayeen in muddo ah oo wax badan ku soo kordhin kara gobolka.
Hadaba Goobjoog FM ayaa weydiisay golaha dhaqanka, haweenka iyo ururada dhallinyarada aragtida ay shirkaasi ka qabaan.
Nabadoon Buraale Jaamac oo ku nool Garbahaarey ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka ka dalbaday in ay shirkaasi ka qeyb qaataan.
Hoos ka dhageyso codka mid ka mid ah dhalinyarada Garbahaarey :
Adwrcf kiwnbs over the counter cialis where to buy cialis online
Peqnof bwczni Cialis mail order usa cialis over the counter at walmart
Micqqu vcmkbx Order viagra usa cialis price
Hckqgw ubbnrk cvs pharmacy Siama