U bood dhigaalka

Bulshada Kismaayo Oo Taageeray Madaxweyne Ku Xigeenka Cusub Ee Jubbaland

Sheeko:Dalka

Kulan ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa lagu taageeray madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo dhawaan xilkaasi loo magacaabay.

Waxaa kulankaan isugu yimid Waxgarad, Xildhibaanno ka tirsan Jubbaland, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyaga oo dhanka kale Madaxweyne Axmed Madoobe ku ammaanay qaabka uu shaqsigan usoo xushay.

Sidoo kale dadkii ka hadlay munaasabadaasi ayaa ammaanay Jeneraal Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii 1-aad ee Jubbaland oo ay sheegeen inuu shaqo badan qabtay.

Badraan Maxamed Cabdulle oo ah guddoomiyaha ururuka Haweenka Jubbaland oo kulankaasi dadkii ka hadlay ka mid ahayd ayaa sheegtay in Maxamuud Sayid Aadan laga doonayo shaqo badan.

“Fartaag shaqo badan ayuu soo qabtay, waa nin Jeneraal ah welina shaqo badan baa loo dhiibayaa, waxaa xilkaan nasiib ku helay Maxamuud Sayid Aadan oo ah siyaasi rug cadaa ah, waxaan leeyahay jir oo joog, waxaan kugu hambalyeenayaa shaqadan laguu dhiibay, waxaan leenahay la imow shaqo iyo karti dheeraad ah” Badraan ayaa sidaasi tiri.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Siyaasi Maxamuud Sayid Aadan u magacaabay madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland.

Goobjoog News