Bulshada Ku Dhaqan Beledweyn Oo Ka Cabanaya Biyo La’aan Baahsan

Tan iyo markii uu biyo beelay Webiga Shabelle ee dhexmara gobolka Hiiraan  ayaa bulshada ku nool halkaasi waxa ay ka cabanayaan  biyo la’aanta jirta.

Dadkan ayaa waxa ay baaq u dirayaan madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya waxa ayna ka codsanayaan in lala soo gaaro caawimaad degdeg ah.

Qaar ka mida dadkan oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxaa ka mida hadalladooda “Biyaha Webiga midabkooda waa uu is badalay waxay noqdeen cagaar, sidoo kale waxay noqdeen dhanaan cabitaan iska daayee qofka bani aadanka ah xataa korkiisa ma taabsiin karo.

Bulshada ku dhaqan Beledweyn ayaa waxay ku tiirsanayeen biyaha webiga Shabelle,dadka ayaa hadda waxa ay ku tiirsanyihiin biyo laga keeno meel dhan qiyaas ka fog 15KM magaalada Beledweyn iyada oo ay iibsadan biyahaan dadka awooda oo kaliya.

Goobjoog News