U bood dhigaalka

Bulshada Rayidka Oo Kahor Yimid Muddo Kordhinta Farmaajo

Sheeko:Dalka

Isutagga Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa ka soo horjeestay tallaabadii uu qaaday  Golaha Shacabka 12 April 2021 taas oo liddi ku ah hishiiskii 17 september 2020 ee labada gole ay isla ansixiyeen, waxeyna u arkaan go’aankaas mid lagu degdegay caqabadna ku ah ku noqon kara geedi socodka dowladnimada Soomaaliyeed islamarkaasna dhaawici kara midnimada shacabka

Bulshada Rayidka waxa ay ku adkeyneysaa Madaxda Dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada in ay sii wadaan wadahadallada si loo xaqiijiyo mas’uuliyadda ka saaran madaxda sidii dalka doorashooyin uga dhici la haayeen.

Bulshada Rayidka waxey ka soo horjeedaa wax kasta oo carqaladeenaayo in dalka doorashooyin wada ogol ah ka dhacaan waxayna u  soo jeedinayaan siyaasiyiinta iyo madaxda dalka in aysan ku dhaqaaqin tallaabooyin liddi ku ah midnimada, nabadda iyo dowladnimada.

Bulshada Rayidka waxa ay aaminsantahay sii socoshada khilaafka siyaasadeed uu horseedi karo amni darro ay ka dhalan karto xadgudub bani’aadanimo  iyo deganaasho la’aan sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa Golaha Shacabka in ay ka waantoobaan tallaabooyinka hurinaayo khilaafka siyaasadeed ee maanta dalka ka jira.

Bulshada Rayidka waxay ugu baaqeysaa Duubabka Soomaaliyeed, odayaasha dhaqanka, culuma u diinka, wwax garadka, haweenka iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii wadahadllada dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka loo sii wadi lahaa si dalka doorashooyin laysla ogolyahay uga qabsoomaan.

Ugu danbeyntii Bulshada Rayidka waxa ay u mahad celinayaan beesha caalamka dadaallada ay ugu jirto sidii dalka doorashooyin nabdoon uga dhici lahaayeen, waxaana u soo jeedineynaa in ay dadaalkooda mideeyaan islamarkaasna wadatashiyada qaybaha bulshada ay badiyaan.

DHAMAAD

Goobjoog News