U bood dhigaalka

Burbur Ka Muuqda Xabsiga Dhexe Ee B/weyne

Sheeko:Dalka

Burbur xooggan ayaa xilligaan waxa uu ka muuqanayaa xabsiga dhexe ee magaalada Baladweyne, kadib markii uu saameeyay fatahaadda Wabiga Shabelle uu ka sameeyay magaaladaasi.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, saraakiil ka socotay Xoogga dalka iyo AMISOM ayaa kormeer ku tagay xabsigaasi si loo soo ogaado baahiyaha halkaasi ka jira.

Waxay mas’uuliyiintan ay warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidanka ee ku sugan xabsigaasi, waxaana ay soo arkeen meello badan oo burbursan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono Xabsiga magaalada Baladweyne, sidoo kalena lagu dadaalli doono sidii daryeel ku heli lahaayeen maxaabiista xabsigaasi ku jirta.

Xabsiga Baladweyne waxaa ku jira maxaabiis badan oo u baahan daryeel, sidoo kale waxaa jirta meello badan oo xabsiga uu ka burbursan yahay.

Goobjoog News