U bood dhigaalka

Burburka Qoyska & Mashaqada Ku Habsata Caruurta

Sheeko:Dalka

Furiinka ama burburka ku yimaada qoyska waa mid dadku ay iska caadaysteen waxaana marka laga hadlayo soomaaliya furiinku uu ka yahay wax aan laga fiirsan inta badan.

Markii aad si fiican u eegto nolosha bini’aadamka waxa ugu muhiimsan waa guurka sidaas daraadeed ayaa dadka badankiis u arkaan furiinku in uu yahay guul darro ku timaada guurka

Qoys burburka waxaa ka dhadhasha dhibaatooyin kala duwan sida ilmaha qoyskaasi oo ay soo wajahdo koriima xumo waxbarasho la’aan iyo waxyaabo kale oo la mid ah

Arrintaan oo ah mid dood dheer dhalisay ayaa hadana dadka ku nool dunida

waxaa raga iyo dumarkuba  midba midka kale ku eedeeyaa in dhanka kale ka ka yimaado kala tagga.

Furiinka Gabdhaha waxaa keena sababo badan sida:-

  • Dhibaatooyinka dhaqaalaha
  • Dabeecadaha ama dhaqanka oo lagu kala duwanaado
  • Balwadda
  • Fara galin ku timaada lamaanaha
  • guurka fudud
  • yaraanta oo la isku guursado
  • dhaqankii oo laga tagay
  • qudba sirada iyo wixii la mid ah.

Marka aad la sheekasato gabdhaha uu ku dhacay qoys burburka ayaa kuu sheegaya in furiinku uu had iyo jeer ka yimaado ragga balse dumarkuna ay qeyb ku leeyhiin sababaha keena burburka qoyska.

Hadaba maxaa keena furiinka?

Su’aashaas iyo hinaasaha ama maseyrku doorka uu ku leeyahay furiinka waxa aan waydiinnay Fartuun Axmed Cali oo kamid ah gabdhaha uu ku dhacay qoys burburka oo ku nool magaalada muqdisho

Fartuun ayaan sidoo kale waydiiyay saamaynta ay caruurta ku yeelato waalidiinta is fura iyo waxa ay ugu duwan yihiin caruurta waalidkood koriyo iyo kuwa aan nasiibikaasi helin.

Waxay sheegtay in marka hore wax waliba ay yihiin calaf, iyada oo tilmaantay in burburka qoyska Labada qofka ay lahaan karaan, islamarkaana sababta si walba ay ku imaan karto, sidoo kalena caruurta aysan heleen korriin wanaagsan marka ay waalidkooda kala tagaan.

Fartuun  ayaa u arakta in samirku uu qayb weyn ka qaadto wada joogga lamaanaha taas oo mihiim u ah is fahamka biniaadamka.

Haweenka badankii waxa ay u arkaan in raggu ay qeybta ugu weyn ku leeyihiin furiinka maadaaama ay guursadaan haween badan taas oo keenta in aysan ku  qancin haweenka ay markaas qabaan

Hadaba Mustafa Sugaal Maxamed ayaan waydiinnay waxa ku qasba ragga in ay dumar badan guursadaan iyaga oo dhumiya xaasas koodii hore iyo baylihinta caruurtooda.

Mustaf waxa uu sheegay in Allah uu baneeyay in ragga ay guursan karaan Afar haween ah hadii awoodeedu leeyahay balse laga yaabo in ninka uu Laba si u guursado xaasaska badan, waxaana uu ku kala sheegay in uu rajeynayo caruur badan inuu ilaahay siiyo ama in uu la kulmo buuq qoyska ah, kadibna xaas kale yeesho.

Furiinka ayaa sidoo kale ku yimaada ka dib marka lamaanuhu uu isku guursado shuruudo dhaca guurka ka hor waxaana marka qof uu ka baxo shuruudaas guurku uu noqdaa mid burbur uu ku yimaado.

Hadaba si aan arrintaas wax uga ogaanno ayaan la kulmay Sahra Ismaaciil oo  ka sheekaynaysa qoys burbur ku yimid ka dib markii ay aroskeeda kahor kula heshiisay saygeeda in uusan xaas kale samaysay hase yeeshee uu balantii kaga baxay

Sahar ayaa sheegtay in ay ka shalaysay markii ay kala tageen iyada iyo saygeeda.

Dhaqankii oo laga tagay iyo technology-yada ayaa inta badan dadku ku eedeeyeen in ay masuul ka tahay furiinka oo bata.

Xaliimo Macalin Abuurkar waa haween waaya joog u ahayd dhaqamadii hore ee Soomaalidu isku guursan jireen waxa ay ii sheegtay in guurkii hore uu ahaa mid ka adag kan maanta jira, furiinka  oo lagu dagdagaana ay tahay guurka aan laga fiirsan.

Aaladaha bulshadu ay ku wada xiriiraan waxa ay qeyb ka tahay waxyaabaha sahla qoys burburka madaama dadku ay si fudud isku bartaan waxa ay hor seedaysaa in si fudud ay u  kala tagaan waxaa sidaasi tiri Mama Xaliima Macalim, waxaana ay kula talisay guud ahaan dhalinta soo koraysa in ay wax bartaan si looga hortago qoys burburk oo saameyn ku leh guud ahaan bulshada.

Soomaaliya ayaad moodaa in qoysas badan ay burburaan marka loo eego sanadihii hore waxaana dadka inta badan ay ku sababeeyaan in ay kusoo uruurayso is faham la’aanta lamaanaha iyadoo xalkuna uu qeyb  ka yahay in qof waliba uu sameeyo tanaasul ah in uu ka samro wax badan oo uu tabanayo si looga fogaado is qabqabsiga  oo aan u fiicnayn guurka wanaagsan.

W/D: Leyla Abdi Mohamed

Goobjoog News