U bood dhigaalka

Burburkii Dowladdii Kadib Soomaaliya oo Bixineysa Leesinka Diyaaradaha

Sheeko:Amniga

Wasiirka wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi salad (Oomaar) ayaa sheegay in la dhameytiray sharciga hay’adda duulista rayidka  isla markaan kaliya  uu ka harsanyahay xeer hoosaadyo uu leeyahay dhawaana la soo gabagabey doono taasi oo ka dhalan doonto in dowladda Soomaaliyeed ay awood uyeelato diwaan galinta diyaaradaha ka howl-gal dalka iyo bixinta ruqsadaha wadidda diyaaradaha oo ay Soomaaliya bixin muddo 30   sano ku dhaw.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dhawaan ,madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya uu bixin doono leesinkii ugu horeeyay ee la siinayo bayloodyada diyaaradaha oo ay dowladda Soomaaliya bixin muddo ka badana 25 sano taasine ay ka dhalain doona hormarkale oo ay dadka Soomaaliyeed ku talaabsan doonaan.

“Laga bilaabo bilaha soo socda waxaan bilaabi doonaa in bixino adeegyada ay u baahanyihiin diyaaradaha sida leesinka iyo diwaan galinta diyaaradaha ay keensadaan ganacsatada Soomaaliyeed oo hore ugeyn jirin dalalka Kenya iyo itoobiya, balse hadda ka dib ma dhaceyso waana ku guuleysanay  dhameystirka sharcigi lagu dhaqi lahaa”ayuu ku daray hadalkiisa wasiirka Oomaar.

Sidoo kale wasiirka gadiidka iyo duulista hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi salad (Oomaar) waxa uu sheegay in hada ay fududahay in lasoo celiyo diyaaradii Soomaali Airlen ka dib heli taankii ay dowladda Soomaaliyeed ay diwaan galin karto diyaaradaha isla markaana sharuudaha ugu badan ee soo celinteeda ay aheyd sharcigaan waxaana uu intaa ku daray inay yihiin laba qodob oo isku xeran.

“Sameynta sharciga lagu diwaan galinayo iyo soo celinta diyaaradii Soomaali airlen waxaa laba aan kala harin ,hadane waa inoo fududahay in dib usoo celinayay maadaama aan gaarnay isku filnaasho “Wasiirka Oomaar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaaji ayaa saxiixay 21 bishaan saxiixay sharciga hay’adda duulista rayidka kaasi oo dhameystirayo awooda iyo sharuucda ay kula falgaleyso dhigeeda hay’addaha kale ee Caalamka .

Goobjoog News