U bood dhigaalka

Burcad Badeedda Oo Markab Ku Weeraray Xeebaha Soomaaliya, Shaqaalana Dhaawacay

Sheeko:Dalka

Sabtidii waxaa la sheegayaa in markab kale lagu weeraray xeebaha Mugud ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarka waxaa uu ka dhacay goob u dhaw magaalada Hobyo halkaas oo tuulooyinka magaalada ku dhaw ay hoy ka dhigteen kooxda ugu khatarsan burcad badeedda Soomaalida.

Waxaa lagu waramayaa in hal qof oo ka tirsan shaqaalaha markabka la weeraray uu ku dhaawacmay,  weerarkan uma dhiicin sidii la rabay, kadib markii burcadda ku guuldareysteen in ay afduubtaan.

Markabka waxaa la ceysanaayey muddo ka badan 2 saac, arrintaas oo mar kale khatar ku ah nolasha dadka isticmaala xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada badda ee  EUNAVFOR waxaa ay sheegayaa in ay gargaar soo weydiisteen markab laga lahaa Imaaraadka, Ciidamadan oo Spanish ahaa waxaa ay soo qaateen Sea King helicopter  si markabka u badbaadiyaan, laakin waxaa ay meesha ugu tageen burcaddii oo carartay iyo markabkii oo xabado ku yaalaan.

Goobjoog News