Burcad Badeedda Soomaalida Oo Afduubtay Markab Iran Laga Lahaa Oo Kaluumeysi

Sida ay baahiyeen Telefishinka Press TV, burcad badeedda Soomaalida ayaa afduubatay markab kaluumeysi oo laga lahaa dalka Iran.

Dhacdadan waxaa ay ka dhacday xeebaha Puntland, burcadda waxaa ay markabkan u qabsadeen si ay ugu afduubtaan maraakiibta kale, sidaa waxaa sheegay Cali Shir oo ka tirsan mas’uuliyiinta Punrland.

Cali Shire waxaa uu intaa raaciyay in markabka ay burcadda afduubteen aanu heysan shati ama ogolaashiyo uu badda uga kaluumeysto.

Dhinaca kale, lama oga sida ay yihiin xaaladda dadkii saarnaa markabka ay burcadda afduubteen iyo halka ay la aadeen.

Sanadkan oo keliya, burcadda waxaa ay afduubteen 3 markab oo kale, laakin dhammaan waa laga soo celiyay.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW