Burcad Koofur Afrikaan ah oo dhac u geystay meherado ay lahaayeen Soomaali

Kooxo gaangistiro ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa boob   u gaystay goobo ganacsi oo ay lahaayeen ganacsato soomaaliyeed oo ku nool dalkaasi.

Ma jirin wax gurmad ah oo Soomaalidaas ay ka heleen ciidamada ammaanka dalkaasi intii kooxdan ay ku guda jirtay dhaca dukaamadan.

Soomaalida ku nool magaalooyinka dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay dhibaatooyinka ay kala kulmaan kooxahan gaangistaraha.

Falalka burcada Koofur afrikaanka ay kula kacayaan soomaalida dalkaas ku sugan ayaa noqday kuwo joogta ah oo isugu jira dhac, boob, jir dil, dukaamo gubis iyo kufsi.

Soomaalida ku nool dalka Zambia ayaa iyana marti u noqday falal dhac ah oo ugub ku ah ganacsatada ku dhaqan Zambia kadib markii bilihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay xireen ganacsato iyo qaar ka tirsan xawaaladaha soomaalida eek u yaalla dalkaas.

Maxamed Bagaf ayaa Goobjoog FM u sharaxay sida uu u dhacay boobkan loo gaystay Soomaalida Koofur Afrika ku nool:

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW