Wararka Dalka

Burco Oo Laga Dareemayo Sarukaca Batroolka

Wararka ka imaanaya magaalada Burco ayaa sheegaya in ay sarukac ku yimid qiimaha Batroolka, oo halka markii hore ahaa 8500 SH Somaliland uu hadda gaaray ilaa 15000 Sh Somaliland.

Wadayaasha gaadiidka ayaa Goobjoog News u sheegay in sarukaca uu saameeyay oo aaney awoodin qiimahan cusub iyaga oo dalab u soo jeediyay xukuumadda.

Darawallada waxaa ay intaasi ku dareen in qiimaha lagu raaco Bajaajta ama Tax aaney waxba ku kordhin Karin, iyaga oo xukuumadda ka dalbaday inay hoos u dhigto qiimaha shidaalka.

Dhinaca kale, ganacsatada shidaalka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in suuqa ay ka jirto Batrool yari taasina ay sababtay sarukaca shidaalka.

Sida uu ku warramayo weriyaha Goobjoog News Burco, dhawaan waxaa Somaliland soo galay shidaal wasaq ah, kaasi oo halleeyay gaadiid badan, wasaaraddana ay ku soo rogtay ganaax.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close