U bood dhigaalka

Burkino Faso: Dablay Dishay 55 Qof

Sheeko:Amniga

Dablay hubaysan ayaa la sheegay in dad fara badan ay ku dileen gelinkii dambe ee shalay gudaha dalka Burkino Faso, ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

Mas’uuliyiin u hadashay dalka Burkina ayaa sheegay in dablay hubaysani ay waqooyiga dalkaasi ay ku dileen dad gaaraya 55 qof, kadib weeraro isxigxigay oo ka dhacay dalka dalka.

Afhayeen u hadlay dowladda Burkino Faso, ayaa sheegay in dablayda weerarka geeysatay ay bartilmaameedsadeen dad rayid ah oo ku sugan magaalo lagu magacabo Seytenga oo ku taalla gobalka Sano, ee waqooyiga dalka Burkino Faso.

Illa iyo hadda macadda cidda ay yihiin dablayda fulisay weerarkaas, balse dowladda ayaa ku eedeysay in ay ka dambeeyeen kooxaha ka barbar dagaallama Al-Qaacida iyo Kooxda Daacish.

Dhawaan ayay ahayd markii weerar ka dhacay magaalada Solhan ee sanadkii hore ay kooxaha dablay ah ay ku dileen inkabadan 160 qof.

Goobjoog News