U bood dhigaalka

Burundi oo guddi baara eedeymaha loo jeediyay AMISOM u soo direysa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Burundi ayaa ballan qaaday in ay Soomaaliya u soo direyso guddi qeyb ka qaata baaritaanada ay wado dowlada Soomaaliya taas oo looga shaqeynayo tacadiyada lagu eedeeyay inay geysteen ciidamada Amisom taasoo ay soo jeedisay hay’adda Human Raths Wach si loo ogaado waxa ay salka ku heyso eedeyntaasi xilli ay dowladda Soomaaliya ballan qaaday inay baareyso falkaasi.

Ballan qaadkan ayaa yimid kadib markii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu kulan magaalada Bujunbuura kula qaatay madaxweyne ku xigeenka dalka Burundi.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa uga qeyb galay magaalada Bujunbura kulan soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen madaxda dalka Burundi oo ka mid ah wadamada saaxiibka dhow la ah Soomaaliya isla markaana ay ciidamo ka joogaan dalka.

Cabdiweli Sheekh ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada dalkaasi si ay maal gashi ugu sameeyaan Soomaaliya maadama ay horay heshiisyo dhinacyo kala duwan ah u wada saxiixdeen dalalka Soomaaliya Burundi.