U bood dhigaalka

Burundi oo Ka Hadashay Khasaaraha Weerarkii Ceel Baraf

Sheeko:Amniga

Dowladda Burunti ayaa ka hadashay khasaaraha kasoo gaaray ceedankeeda weerarkii lagu qaaday saldhig ay  ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf ee ggobolka Shabeellada Dhexe, kadib weerar Al-shabaab ay ka geysteen.

Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidanka Milatariga dalkaas oo la hadlay wakaaladda wararka AFP ayaa u sheegay in weerarkii dhacay looga dilay 30 askari, halka lagu dhwaacay 22 askari oo ka tirsan howlgalga nabad ilaalinta.

Al-shabaab oo weerar qaraxyo ah adeegsaday ayaa sal dhiga gudaha u galay subaxnimadii hore ee shalay, sarkaalka halday kama uusan jawaabin in ay jiraan ciidamo u dhashay Burundi oo Al-shabaab qabsadeen.

Goobjoog News