U bood dhigaalka

Buubaa: Puntland Waa In Ay Garato In Somaliland Tahay Qaran Jiro

Sheeko:Dalka

Siyaasiga Ismaacii l Hurre Buubaa oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii dalka Soomaray ee Soomaaliya hadana kusugan magaalada Hargeysa oo caasimad u ah Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda ka soo cusboonaatay eegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Mr. Buubaa waxaa uu nabad ugu baaqay dhinacyada Somaliland iyo Puntland isaga oo uga digay in dhaq-dhaqaaqyada ciidan oo hadda ay ka wadaan deegaanka Tuka-raq ay sii socdaan, waxaa uu sheegay in Puntland ay muhiim ay tahay inay garato in Somaliland ay tahay qaran jiro isla markaana ay leedahay xaduudo cayiman.

“Aniga waxay ila tahay in Puntland ay aqoonsato Somaliland inay tahay maanta qaran jiro oo shaqeynaya oo ka kooban dadweynaha Somaliland oo dhan bari hanoqo ama galbeed hanoqoto waa lagama maarmaan.

Somaliland inay xaduudkeeda darbiga ay ku e kaato waa lagama maarmaan Puntland iyadana inay xaduudkeeda ku e kaato waa lagama maarmaan,aniga waxay ila tahay si ay ku jirto wadahadal iyo is afgarasho ah lagu dhameeyo maadaama ay yihiin dad Soomaaliyeed oo walaalo ah”.

Dhanka kale Siyaasi Buubaa ayaa ka hadlay hakad la sheegay inuu galay heshiis u dhaxeeyay Imaaraadka iyo Somaliland kaasi oo ay ka dhisaneysay dekadda magaalada Barbara ee Somaliland.

“Dowladda Imaaraadka iyo dolwadda Somaliland xiriir wanaagsan inay yeeshaan waa lagama maarmaan in arrintaasi ay ka shaqeyso Somaliland Imaaraadkuna uu ka shaqeeyo waa arrin wanaagsan iyada oo sidaas ay tahay ayaa hadana gobolka aan ku noolnahay waxay tahay meel aad u xasaasi ah dhibaatooyin bandanna ay ku xeeranyihiin arintaana waxay quseysaa dadka Somaliland”.

Hadalka ka soo yeeray siyaasi Buubaa ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli ay xiisad  ka jirto deegaanka Tuka-raq oo u dhaxeysa dhinacyada Somaliland iyo Puntland

Gooboog News