Buubaa “Shacabka Soomaaliyeed Waa In Ay Isku Gurmadaan”

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa sheegay in xilligaan shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u istaagaan sidii ay isugu gurman lahaayeen, maadaama muwaadiniin badan ay ku dhibban yihiin dalka Yemen.

Buubaa ayaa tilmaamay in maanta aan gacan shisheeye lagu halayn dadka Soomaaliyeed ee dushooda lagu dul dagaallamayo, islamarkaana muhiim ay tahay in cid walba wixii ay awoodo isku darto.

“Shacabka Soomaaliyeed waa in ay isku gurmadaan, waa in wixii la awoodo la’isku daro, waa in cid walba kaalmada ay ka qeybqaadato” ayuu yiri Buubaa

Sidoo kale siyaasigaan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ganacsatada in ay muujiyaan dadaal taasi oo in ay kaalintooda ka qaataan dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed.

Dalka Yemen waxaa ku dhibban dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo u baahan in gurmad degdeg ah lala soo gaaro.

Goobjoog News

 

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW