U bood dhigaalka

Buubaa: Somaliland xiligan waa ka waan toobeen rabitaan aan helitaan laheyn oo kala go’ iyo umada kala qeybin ah.

Sheeko:Dalka

Ismaciil Hurre Buubaa oo Goobjoog ay ka wareysatay hadalkii Cali Khaliif ee ahaa inuu wada hadal la galayo maamulka Somaliland ayaa sheegay in arinkan uu soo dhaweynayo .

Buubaa ayaa ayaa khilaafka labada dhinac ku tilmaamay mid salka ku haya Midnimada Umadda Soomaaliyeed aan ka mid noqono iyo ka mid noqon meyno ee inagoo go’nay ayaan na raaceysaan, Buubaa ayaa intaa ku daray in Somaliland is badal ka jiro xiligan oo dadka ka waan toobeen rabitaan aan helitaan laheyn oo kala go’ iyo ummad qebin ah oo sanado badan soo jiitamayey, isagoo ugu baaqay Somaliland inay kasoo noqdaan arimaha labaatameeyo jirsaday ee aan miro dhalka aheyn.

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya ayaa Arinta Khaatumo ku sheegay mid furfuraysa arintii ka ga’a iyo Midnimada, dan weynina ay ugu jirto umadda oo dhan, oo ay haboon tahay in wada hadalka Somaliland iyo Buntland hareeraha laga galo oo lala shaqeeyo.

Buubaa ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in wada hadalka micnihiisu yahay aan heshiino, waxaa uu ku taliyay in laga shaqeeyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa mawaaqifka kala duwan

Wareysiga Cismaaciil Hurre Buubaa: Halkan ka dhageyso