U bood dhigaalka

Buundo iyo Waddo Laga Dhisayo Magaalada Jowhar (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Buundada JowharWaxaa maanta hawl dayactir ah laga bilaabay buundada magaalada Jowhar ee kala qeybisa labada xaafadood ee kala ah Hantiwadaag iyo Horseed iyo waliba waddo magaalada dhexmarta.

Toboneeyo shaqaalaha dhismaha ah ayaa ka hawlgalayay dhismaha dayactirka buundada, iyada oo dhuujinayay dhagaatiyada isku haya buundada, waxaa kale oo la shamiindeeynayay dhabaha buundada ay ka samaysantahay.

Maamulka Jowhar iyo taliska booliska degmada ayaa gaadiidka , gaar ahaan gaari dameerada iyo gaari gacanada ka mabnuucey in ay isticmaalaan buundada Jowhar inta uu dhismaha ka dhamaanayo, hase yeeshee waxaa la fasaxay in dadka lugta ah ay wadada maraan.

Buundada Jowhar ayaanan wax dayactir ah helin mudo 20 sano ka badan, waxaana jirey walwal badan oo dadka ay ka qabeen in buundada ay dumi karto haddii aanan la dayactirin.

Dhageyso

Goobjoog News