U bood dhigaalka

Dhimashada Cudurka Shuban Biyoodka Ee Magaalada Baladweyne Oo Korortay

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in dhimashada uu sababayo xannuunka shuban biyoodka ay sii kordheyso.

Duqa magaalada Baladweyne Cumar Aadan Deeqow oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dad u badan carruur, haween iyo dad daโ€™ ah uu soo ritey xannuunkani.

Dhimashada Cudurka Shuban Biyoodka ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa gaartay 17 qof, waxaana laga cabsi qabaa in dad kale ay u dhintaan haddii aynaan helin gargaar.

Duqa magaalada Baladweyne Cabdi Aadan Deeqow ayaa tilmaamay in cudurkani uu fara baโ€™an ku hayo dadka shacabka ah eek u nool magaalada iyo nawaaxigeenda

Waxa uu soo jeediyay in gargaar daawo la la gaaro magaalada Baladweyne si dadka dhimashada qarka u saaran loo badbaadiyo.

Magaalada Baladweyne iyo degaanno ku dhow ayaa dhowaan waxaa ka dillaacay cudur shuban biyood ah oo dadka qaar ay xaafadaha ugu dhinteen kadib markii ay heli waayeen kaalmo caafimaad waxaana Isbitaalka dhexe ee Baladweyne maalmo gudahood la dhigay dad ku dhow boqol qof.

Goobjoog News