U bood dhigaalka

B/weyne: Saameynta Cudurka Shuban Biyoodka Oo Yaraatey

Sheeko:Dalka

Maxamed Axmed Nuur Ciise, guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada maamulka degmada B/weyne oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa ugu horreyn ka hadlay saameynta cudurka shuban biyoodka oo dhibaato badan u geystay shacab ku dhaqan magaaladaasi.

Waxa uu sheegay in haatan ay yaraatay saameyntiisa, laakiinse waxa uu sheegay in dadku ay badankooda ka caafimaad qabaan.

Sababaha ugu weyn ee cudurka Shuban biyoodka uga dilaacay degmada B/weyne ayuu ku  sheegay in ceelashii biyaha ay Wabiga Tubooyin kasoo qaateen, isaga oo farta ku goday nadiif ahaanta biyahaasi.

“Hadda cudurka sidii hore ma ahan, dadka waa ay ka fiicnaadeen, saameyntiisana waa ay yaraatay, waxyaabaha ugu daran ee cudurka keenay waxaa ugu waaweynaa ceelashii dadka biyaha ka qaadanayey oo Wabiga Tubooyin geysta, laga yaabo wasaq iney jirto ama Ceelashii yaraa oo biyo baxadii saameysay” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyootey magaalada B/weyne sanadkii 2016 kadib markii magaaladaasi ay ka dilaaceen cudurka shuban biyoodka.

Goobjoog News