U bood dhigaalka

C/qaadir Abuukar Shaacir Oo La Toogtay

Sheeko:Amniga

Taariikhdu Markay ahayd 30/11/2017, Maxkamada Dar’1aad Ciidamada Qalabka Sida waxay markii saddexaad u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed 41 jir ah ina Shoobto Shaacir ku dhashay Xamar, kaasoo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ku soo eedeeyey in uu ka tirsanaa  Al-shabaab, una qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada, isagoo sahmin jiray goobaha ay kooxdu rabaan in ay ka fuliyaan qaraxyada, sidoo kalena baabuurta laga soo buuxiyay qaraxyada gayn jiray goobtii uu soo sahmiyay si loogu qarxiyo, waxaana ka mid ahaa goobihii la qarxiyay ee uu soo sahmiyay:-

1. Taariikhdu markay ahayd 13/03/2017, Qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 10 ruux, kuna dhaawacmeen 17ruux oo kale.

2. Taariikhdu markay ahayd 05/04/2017, wuxuu geeyay Baabuur Saaruf ah oo ay ka buuxaan walxaha qarxa Maqaayad kasoo horjeeda Wazaarada sportiga agagaarka xaruntii wasaarada Amniga, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen 9 ruux, kuna dhaawacmeen 10 ruux oo kale.

3. Sidoo kale wuxuu soo sahmiyay Qaraxii ka dhacay Baar Italia Taariikhdu markay ahayd 08/05/2017, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 7 Ruux kuna dhaawacmeen 11Ruux oo kale.

4. , taariikhdu markay ahayd 15/5/2017., ciidamadu amnigu waxay ku qabteen C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed isagoo wado gaarigii qaraxa ahaa ee ku qarxay Degmada X/wayne gaar ahaan EX. Eenaayo.

Taariikhdu ahayd 06/12/2017 Dembiile Shabaab C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah .

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 24/12/2018 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa.

Dhammaad