U bood dhigaalka

Caabudwaaq: Hoyga Wasiir Ka Tirsan Galmudug Oo La Weeraray

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka mid yihiin ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay weerar ku qaadeen hoyga wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug C/qaadir Cabdullaahi Warsame, kaasi oo ku yaalla degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud.

Wararku waxay sheegayaan in wasiirka uu halkaasi ku sugnaa markii weerarkaan uu dhacayay, balse uu ka badbaaday weerarkaasi, ka dib iska caabin ay sameeyeen ciidanka isaga ilaalada u ah.

Hal qof ayaa halkaasi ku geeriyooday Laba kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan dad ku sugan degmada Caabudwaaq.

Wasiir C/qaadir oo si kooban saxaafadda ula hadlay ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka dambeeyaan Ahlu-sunna Waljameeca, lagana soo abaabulay degmada Dhuusamareeb.

Ururka Ahlu-sunna Waljameeca weli wax war ah kama aanay soo saarin weerarkaasi dhacay iyo sidoo kale eedeynta loo jeediyay.

Xaaladda guud ee degmada Caabudwaaq ayaa ah mid kacsan, waxaana dhinacyadii dagaallamay lagu soo waramayaa inay ku kala dhex jiraan Odayaasha dhaqanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News