U bood dhigaalka

Caafimaad Darro Soo Wajahday Shacabka Ku Dhaqan Degmada Buurdhuubo Ee Gobalka Gedo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BuurdhuuboShacabka ku dhaqan degmada Buurdhuubo ee gobalka Gedo waxaa soo wajahay xaalado caafimaad darri ah, iyadoo maamulka degmadaasi uu qeylo dhaan ka diray.

Madaxa Arimaha Bulshada ee degmadaasi Cali Bishaar Daahir oo u waramay Goobjoog Fm waxa uu sheegay in degmadaasi dadka jooga ay yihiin kuwo u baahan gurmad caafimaad.

Isbitaalka degmada ayuu sheegay in aanu lahayn daawooyin ku filan dadka ku dhaqan Buurdhuubo, waxaana uu tilmaamay in Isbitaalka ay jiifaan dad xanuunsanaya.

“Isbitaalka dad ka badan 80 ayaa jiifa mana lahan daawo, sidoo kale Isbitaalada ku yaala degmada wey iska xiranyihiin badi, xaaladana waa mid ka dartay”

Ugu dambeyn gudoomiyaha degmada Buurdhoobo ee gobalka Gedo ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka in deg deg ay gurmad caafimaad ula gaaraan shacabka ku nool degmadaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News