U bood dhigaalka

Caalim “Taabit Hasoo Bandhigo Waxa Xilka Looga Qaaday Iyo Wixii Ka Dhacay Xarunta Gobolka”

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Maxamed Caalim oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in guddoomiyahii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi laga doonayo in taageerayaashiisa usoo bandhigo sababha xilka looga qaaday iyo sidoo kale wixii habeen kahor ka dhacay aqalka dowladda Hoose ee Xamar.

Waxa uu sheegay in mdaxda DFS ay xaq u leeyihiin iney xilka ka qaadi karaan cid walbo oo ay u arkaan inaanu siyasaddooda la shaqeyn karin.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ay haysato Afar Sano, sidaa darteedna ay kala dooran karaan mudadaasi cidda la shaqeyn karta iyo cidda aan la shaqeyn karin.

“Taabit hasoo Bandhigo waxa xilka looga qaaday iyo wixii ka Dhacay xarunta gobolka, dowladdan iyadaa Afar Sano dalka loo doortay ciddii la rabana xilka waa laga qaadayaa ciddii ay rabaanna iyagaa xaq u leh iney usoo magacaabaan” ayuu yiri Caalim.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday guddoomiyahii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi, iyadoo booskaasi loo magacaabay Inijneer Yariisow.

Goobjoog News