U bood dhigaalka

Caasho Geelle Oo Goobjoog News Uga Warrantey Hadalkii Ay Ka Jeedisay Golaha Ammaanka Iyo Go’aannadii Ka Soo Baxey

Sheeko:Dalka

Caasho Geelle oo ka tirsaneyd xubno ka qeybgalay shir ay golaha ammaanka ka yeesheen arrimaha Soomaaliya ayaa wareysi gaar ah siisey Goobjoog News, iyadoo ka sheekeysay dadkii meesha ka Hadley iyo waxbaayihii ay ka hadleen.

Caasho Geelle waxaa ay ugu horreyn sheegtey in goobta ay ka hadleen ergeyga qaramada midoobey ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Danjire Francisco Madeira.

Labada nin waxaa ay golaha ammaanka kala hadlen halka ay marayaan doorashooyinka, howl-gallada AMISOM iyo khataro ay sheegeen in ay la kulmaan ciidamada AMISOM, waxaa kaloo ay ka hadleen sida loogu baahan yahay in ay sii joogaan oo ay sii howlgalaan.

Kooxda golaha ammaanka waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye oo si fiican uga Hadley horumarada dalka jira, xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dariska iyo caalamka intiisa kale iyo sida dalka uu u kabanayo, Caasho Geelle lafteeda oo halkaas ka hadashay , una hadashay magaca haweenka Soomaaliyeed waxaa ay sheegtey in doorashadan ay haweenka ka heleen 25% taasi oo horumar la gaarey.

“Aniga, wixii aan ka hadlayey waxaa ay ahaayeen arrimaha ku saabsanaa haweenka iyo dadaallada ay soo galeen sidii ay ku heli lahaayeen qoondada 30%, caqabadii ka hor yihin iyo cashiradii laga bartey iyo tirada ay hadda heleen” ayey Caasho Geelle Goobjoog News u sheegtey.

Ugu dambeyntii, waxaa laga Hadley sidii doorashada soo socota u noqon laheyd mid hufan, shaqada guddiga doorashada madaxweynaha iyo kaalintooda iyo sida uu u dhacayo jadwalka doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Goobjoog News