U bood dhigaalka

Caasimadda Dalka Shiinaha oo Markale Wajaheysa Bandow, Kadib Markii Lagu Arkay Kiisas COVID-19 ah

Sheeko:Caafimaadka

Caasimadda Shiinaha ee Beijing ayaa xayiraad kusoo rogtay xaafado kamid ah, waxaana la kordhiyay baaritaannada dadweynaha kadib markii kiisas badan oo Fayraska Korona ah lagu arkay magaaladaasi.

Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegtay in inkabadan 100 kiis oo cusub laga diiwaangeliyay caasimaddaasi.

Muddo ka badan todobo asbuuc ayaa Beijing waxaa Fayraska Korona laga helayay oo keliya dadka dibedda kasoo laabtay, kuwaas oo dalka soo gaaray kadib markii dowladdu ku guuleysatay maareynta caabuqa COVID-19.

Goobjoog News