Caawa Oo Dunida Laga Arki-doonno Meeraha Jupiter
Sheeko:Dalka

Sida ay sheegeyso hey’dda NASA waxaa caawa oo isniin ah dunida laga arki-doonaa meeraha Jupiter oo ka mid ah meerayaasha ugu caansan, ugu weyn.
Jupiter waxaa uu 11 million mile kasoo soke-mari-doonna halka uu joogo, taasi oo ay si caadi ah u arki karaan dad ku nool dunidan ama dhulka, waxaa kale oo aad adeegsan kartaa telescope.
Meerahan waxaa kale oo la socda 4 xidig, oo iyadana ay dadka ark-doonaan, waxaa ay arrinkan xiiso gaar ah u leedahay dadka xiiseeya xidigaha.
Jupiter waa meeraha 5-aad ee nidaamka Qoraxda (Sun), waa kan ugu weyn ee nidaamka loo yaqaano Solar System.
Nidaamka Solar System:
- Qoraxda (Sun)
- Feenas (Venus)
- Dhulka (Earth)
- Maaris (Mars )
- Jibitar (Jupiter)
- Sataan (Saturn)
- Yuraanas (Uranus)
- Nebton (Neptune)
Goobjoog News