U bood dhigaalka

Cabdi Baaley: Waan soo dhaweynay shirka ka socda Baydhaba (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gudiga dib u heshiisiinta Maamulka KMG Jubba Cabdi Baaley ayaa sheegay ay soo dhawaynayaan shirka Maamulka sadaxda Gobol loogu samaynayo Gobolada Baay, Bakool iyo Shabelaha Hoose.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhankooda ay ku dhiira galinayaan Dhinacyada shirka ku hawlan dar dar galinta dadaalada Maamulkan lagu dhisayo iyo in ay iska ilaaliyaan khilaaf ama wax la mid ah.

Dhanka kale mar uu ka hadlaayay aragtida uu qabo siyaasiga Madoobe Nuunoow Maxamed ayuu ugu baaqay in uu ku biiro sedaxda gobal, islamarkaana uu ka tanaasulo aragti uu sheegay in isaga ay u gaar tahay.

Aragti ahaan waxa uu cabiray waxa laga filan karo hadii uu dhismo maamulka Koonfur Galbeed, waxa uu tilmaamay in gobalada Lixda ah la xaqiijin doon in ay yeesheen Laba maamul oo dadkooda raali ka yihiin.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysi aynu la yeelanay Cabdi Baaleey Gudoomiyaha.

Goobjoog News