U bood dhigaalka

Cabdi Barre “DFS Waxaa Ka Muuqata Habacsanaan Amni”

Sheeko:Amniga

Xildhibaan hore Cabdi Barre Jibriil ayaa sheegay in ay jirto habacsanaan xagga amniga ah oo ka muuqata xukuumadda gaar ahaan laamaheeda nabadgalyada qaabilsan.

Waxa uu sheegay in su’aallo ayaa laga keenayaa sababta baabuurka qaraxyada laga soo buuxiyay uu ku gaaray xarunta ay ku yaallaan wasaaradaha oo ah dhismaha Otto Otto oo ku dhow xarunta golaha sharcidejinta ee baarlamaanka dowladda federaalka islamarkaana wax ka yar hal KM ah u jira madaxtooyada Soomaaliya.

Cabdi Barre ayaa sheegay in is weydiin ay mudan tahay sababta ay ciidamada ammaanka u dhibaan shacabka, mar haddii xarumo waaweyn la weerarayo.

“Wey iska caddahay, dowladda federaalka waxaa ka muuqata habacsanaan amni, gaar ahaan xukuumadda iyo laamaha amniga u xilsaaran, shacabka waa la kadeedaa hadane ammaanka ma sugno” ayuu yiri Cabdi Barre.

Maalin ka hor, Al-shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo waxay ku qaadeen xarunta Otto Otto oo ay deggan yihiin wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Goobjoog News