Cabdi Iley Oo Xabsiga La Dhigay

Cabdi Maxamuud Cumar(Iley) oo ahaa madaxweynihiin hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta xabsiga laga dhigay kadib markii laga kaxeeyay gurigiisa uu maalmahan ku xirnaa.

Telefeshinka Itoobiya(ETV)  ayaa soo bandhigay Cabdi Iley oo ay kaxeynayaan ciidamada, waxaa kale oo muuqaalka ku jira qoryo.

Sida wararku sheegayaan Cabdi Iley ayaa lagu eedeeyay kicin iyo isku dir uu ka dhex waday qowmiyadaha Itoobiya.

Hey’adaha xuquuqda aadanaha ayaa Cabdi Iley ku eedeeyay in uu lahaa ciidamo gaar ah, isla markaana uu armay falal dil ah, dhac, kufsi iyo barakicin qasab ah.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW