U bood dhigaalka

Cabdi Maxamed Cumar “300 Oo Soomaali Ah Ayaan Ka Badbaadinnay Oromada”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Soomaali galbeed, Cabdi Maxamed Cumar ayaa sheegay in dadka Oromada ah laga soo badbaadiyey 300 qof oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo halis ugu jiray in la dilo.

Waxa uu sheegay in deegaanka Awodey ee gobolka Soomaali Galbeed ay dadkaan ku sugnaayeen, una gurmadeen ciidanka Booliiska iyo Milatariga Itoobiya, lana soo badbaadiyey.

Dadkii horey deegaankaasi loogu diley ee ay dileen Oromada ayuu sheegay in loo ugaarsaday oo kaliya iney Soomaali yihiin, islamarkaana aanay jirin wax ay galabsadeen.

“Waxaan ka tacsiyadeenayaa aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca xukuumadda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya dadkii lagu xasuuqay magaalada Awodey, iyaga oo aan waxbo galabsan, guryahooda lagala soo baxay, kaliyana loo diley iney Soomaali yihiin, waxaa goobtaasi degdeg u tagay ciidanka Itoobiya oo soo badbaadiyey 300 qof oo la rabay in sidaasi loo xasuuqay, waxaanna dadkaasi la keenay deegaanka”

Xiisad u dhaxeysay Soomaali iyo Oromo ayaa maalmaha dambe ka jirtay dhulka Soomaali galbeed iyo deegaanno ku dhow, welina ma jirto xal waara oo la gaaray.

Goobjoog News